Ankara (Dawan)- Ankara maxaa ka socda? Yaa jooga? Maxayse tahay natiijada laga fili karo? Waxaa qoray, Wasiirki hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad.
Ankara waxaa ku sugan laba wafdi oo Soomaaliya iyo Ethiopia ka socda oo labaduba martiqaad ka helay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.
Ka dib marka uu Madaxweynaha martida loo yahay uu midba gooni ula kulmo ayaa la filayaa in labada Hoggaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ay fool ka fool isu arkaan ayada oo uu goobjoog yahay Madaxweynaha Turkigu.
Galabta iyo caawa ayaa la filayaa in fadhiyada xasaasiga ahi ay qabsoomaan.






