Soomaaliya, 19 Nofeembar 2025 — Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel-mariyey sagaalka xubnood ee loo soo magacaabay Guddiga Qaranka ee Xuquuqul Insaanka, taas oo guddiga u dhawanaysa inuu shaqo kadib marka uu madaxweynaha saxiixo.
Xubnahaan ayaa lagu ogolaaday fadhi ay yeesheen maanta aqalka Sare iyadoo 28 xildhibaan ay u codeeyeen, hal kalena uu ka aamusay. Xubnaha ayaa isla goobta lagu dhaariyey kaddib ansixinta.
Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi, ayaa soo dhawaysay go’aanka Aqalka Sare, iyadoo sheegtay in xubnuhu hadda wataan masuuliyad dastuuriga ah oo ku wajahan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
“Waxaan idiinka mahadcelineynaa kalsoonida la siisay guddigan. Waxaan rajeyneynaa inay gutaan waajibaadkooda si ay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed,” ayey tiri wasiir Khadiija.





