Muqdisho (Dawan)- Waxaa isa soo taraya cambaareynta ka imaanaysa aqoonyahanka iyo wax garadka Soomaaliyeed kuwaas oo aad uga xun xariga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad, waxeyna walaac ka muujiyeen xoriyadda hadalka ee Soomaaliya.
Cali-Nuur Salaad ayaa la xiray 22-kii bishaan July, isaga oo habeenki koowaad ku qaatay saldhigga Waaberi ee Muqdisho oo billowgi lagu xiray, inta aan loo wareejin xabsiga Dhexe oo uu hadda ku jiro.
Cabdirashiid Xaashi, Agaasimihii hore ee Machadka Heritage, isla markaana ah cilmi-baare caan ah, horayna uga soo mid noqday xukuumadihii dalka soo maray ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Cali-Nuur , isagoo ku nuux-nuux saday in haddii uu dambi galay la soo dacweeyo, isla markaana la horgeeyo Maxkamad.
"Ma ahan nin cararaya, waana shakhsi aad loo yaqaano. Marka waa in lasii daaya inta uu sugayo maxkamad", ayuu yiri, Xaashi isaga oo sii iftiimiyay in dadka xabsiga lagu hayo muddo dheer maxkamad la'aan ay tahay wax aan la aqbali karin.
Prof Afyare Cilmi oo sidoo kale Agaasime kasoo noqday Machadka Heritage, waxna kasoo dhigay Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda ah ayaa ka mid ah aqoonyahanada ka dhiidhiyay xariga Cali-Nuur Salaad, wuxuuna ku baaqay in lasii daayo oo dib loo siiyo xorriyadiisa.
"Waxaa ila quman in ciddii ku khilaafsan Wariye Cali Nuur aragtidiisa ay keento dood iyo xaqiiqooyin ka duwan kuwiisa. In awood iyo xarig loo isticmaalo meesha kuma jirto. Saxafiga in la sii daayo ayaan qabaa". ayu bartiisa X kusoo qoray Prof Afyare





