Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed
Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamsa ee uu saaka ballan qaaday (30-ka April, 2024) inaan teendhadii habaarnayd lagu laaban doonin waa mid bogaadin iyo soo dhaweyn mudan.
Hadalkaas wuxuu ka jeediyay isla teendhada Afisyoone iyo daahfurka shir cinwaankiisu ahaa dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay. Balse waxaa is waydiin mudan maxaa tallaabooyin ah oo ay xukuumaddiisu qaaday si lagaga baaqsado teendhada, looguna dareero doorashooyin ka hufan kuwii dadbanaa?
Ku dhawaad labo sano oo uu maamulka Madaxweyne Xasan xafiiska fadhiyo, dalku guddi doorasho oo heer qaran ah maleh, goleyaal deegaan oo ay shacab doorteen marka laga reebo Puntland degmooyin kamid ah mooyaane ma jiraan (doorashadaas lafteedu Villa Soomaaliya waa diidanayd in la qabto), miisaaniyad doorasho oo qof iyo cod loo qabtay haba sheegin, sharciga xisbiyada wali lama bilaabin qabyo tirkiisa, siyaasad loo dhan yahay dalka kama hirgelin oo wataa Puntland loo joojin maayo hadal hayntu noqotay.






