Dublin (Dawan)- Xiddiga u dhashay dalka Nigeria Ademola Lookman ayaa dhaliyay 3 gool (hat-trick), isagoo ku hogaamiyay kooxdiisa Talyaaniga ee Atalanta inay ku guuleysato koobka Europe League markii ugu horeysay taariikhda.
Guusha Atalanta ayaa sidoo kale soo afjartay rikoorka guuldaro la’aanta ee kooxda Jarmalka ee Bayer Leverkusen.
Kooxda Atalanta ayaa 3-0 ku garaacday kooxda Bayer Leverkusen Arbacadii ciyaartii ugu dambaysay ee tartanka koobka Europe League ee ka dhacday garoonka Aviva Stadium ee caasimadda Ireland ee Dublin.
Ademola Lookman ayaa noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee sadeex gool ka dhaliya ciyaarta finalka ee koobka Europe League
Kooxda Atalanta ayaa u muuqatay kooxda ku awoodda badan ciyaarta, iyada oo awood u yeelatay in ay maamusho qaab ciyaareedka ciyaartooyda Leverkusen kuwaas oo xalay awoodi waaayay in ay muujiyaan heerkoodii caadiga ahaa ee lagu bartay sannadkaan.



