Muqdisho (Dawan)- Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday in la bilaabay baaritaan dhab ah oo ku saabsan dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay Buulo Mareer 17-kii July 2024.
ATMIS oo ka jawaabeysa eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ciidamadeedu dileen dad shacabka ah ayaa ballan qaaday inay sameyn doonto baaritaan ballaaran, ayna soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxda baaritaanka marka la soo gabagabeeyo.
"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen, waxaana u rajaynaynaa adkaysi badan xilligan adag" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS , iyada oo intaas lagu daray in Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay go'an tahay ilaalinta nolosha rayidka ah.
"Ciidamada ATMIS waxaa loo tababaray inay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani'aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Shuruucda Hawlgelinta ee lagu maamulayo hawlgallada militari, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta". ayaa la raaciyay, qoraalka kasoo baxay ATMIS



