Kismayo (Dawan)- Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa saldhigga Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ku wareejiyay ciidamada dowladda, taas oo qayb ka ah wajiga seddexaad ee dhimista ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
"ATMIS ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan Kismaayo saldhigga Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka dhigan guul wayn oo laga gaaray wajiga saddexaad ee dhimista ciidamada" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay ATMIS.

Injineerka Guud ee Milatariga ATMIS, Gaashaanle Sare Suleiman Ibrahim ayaa ku ammaanay ciidanka Kenya sida ay uga qayb qaateen daciifinta awoodda Al-Shabaab, una horumariyeen nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Gaashaanle Sakariye Maxamed Cumar oo ka socday Waaxda Qorshaynta Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa tilmaamay in guutada la wareegtay saldhigga Kudhaa ay ku dadaali doonto ilaalinta shacabka.





