Muqdisho (Dawan)- Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay inuu xoogga saarayo dhismaha iyo tayaynta hay’adaha Booliska Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa isbeddel istiraatiiji ah oo ku imanaya taageerada hawlgalkii militeri oo u weecanaya dib u habeynta hay'adaha amniga.
Hadalkan waxaa sheegay Wakiilka Gaarka ah ee AUSSOM iyo Madaxa Hawlgalka, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, xilli uu ka qeybgalayay xuska 82-guurada aasaaska Booliska Soomaaliyeed oo Sabtidii ka dhacday Muqdisho. Wakiilka ayaa carrabka ku adkeeyay in amniga mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay hay’ado boolis oo leh karti, isla markaana ku shaqeeya mabaad'da iyo xirfadaha booliska.
“AUSSOM waxay taageeraysaa dadaallada lagu xoojinayo lana horumarinayo hay’adaha booliska, si loo helo adeeg boolis oo isla-xisaabtan leh, kana tarjumaya baahida shacabka,” ayuu yiri Diene, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay hawlgalka.





