Sabiib-Caanoole(DAWAN) - Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerar ay Al Shabaab Jimcihii aroortii ku qaadeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka oo dhacay abaaro 6:30 subaxnimo maalinimadii Jimcaha, ayaa lala beegsaday fariisimo ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM ka degganaayeen deegaankaasi. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ,ciidamada oo isgarabsanaya ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka.
AUSSOM waxay sheegtay in dagaalkaas lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab, halka ay sidoo kale gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas fara badan oo laga furtay dagaalamayaashii baxsaday.
Inkasta oo AUSSOM aysan shaacin tirada saxda ah ee khasaaraha soo gaaray Al Shabaab, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankeeda shalay xaqiijisay in weerarkaas lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab, halka afar askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ay ku dhinteen, iyadoo toddoba askari kalena ay ku dhaawacmeen.
War-saxaafadeedka AUSSOM ayaa intaas ku daray in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AUSSOM, ay weli si buuxda u hayaan gacan-ku-haynta Sabiin iyo Caanoole, isla markaana ay socdaan hawlgallo lagu sugayo amaaanka deegaanadaas.







