Kismaayo (Dawan)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Sadiiq Cabdullaahi Bogale in uu noqdo wakiilka Jubbaland u qaabilsan dowladda Kenya
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa hore isagu dayay inuu wakiil u magacaabo Kenya balse uma shaacin si rasmi ah sida magacaabistaan hadda kasoo baxday xafiiskiisa.
Jubaland ma ahan Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ee wakiil u magacaawda dal shisheeye, waxaana jirta in Maamul goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed ay hore u magacaabeen wakiilo u qaabilsan dalal shisheeye.



