Doxa (Dawan)- Magaalada Doxa ee dalka Qatar, waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay kalfadhigii saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed loogu magac daray Baaqa Doxa.
Baaqa Doxa waxaa lagu caddeeyay in la taageero dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madaxbanaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawadaba, iyada oo laga amba qaadayo axdiyada caalamiga ah.
Dowladaha Baaqa soo saaray ayaa sheegay in ay wada shaqayn iyo taageero buuxda la garab taagan yihiin mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay “Heshiiskii is-afgaradka" ahaa ee 1/1/2024 ee ay wada saxiixdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland, waxeyna ku tilmaameen heshiiska waxba kama jiraan, aan la aqbali karin.
Baaqa ayaa lagu yiri, "Heshiiskaas waxa uu ka dhiganyahay xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Baaqa Doha ee ka soo baxay gunaanadka Madasha ayaa lagu muujiyay diidmada heshiiskaas iyo natiija kasta oo ka dhalata haddii ay ahaan lahayd mid siayaasadeed, mid ganacsi ama mid ciidan.







