Muqdisho (Dawan)- Kulankii maanta ee labada aqal ee baarlamaanka, oo lagu waday in lagu ansixiyo xeerka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda, ayaa baaqday, iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay baaqashada. Si kastaba ha ahaatee, tani maaha markii ugu horreysay oo kulan baarlamaan uu baaqdo, taas oo badanaa sabab looga dhigo kooram la’aan ama khilaafaad siyaasadeed oo taagan.
Waxaa adag inta badan in seddexda maalin ee Golayaashu Baarlamaanku leeyihiin fadhiayda ay si buuxda u qabsoomaan kulamdooda, taas oo dib u dhac u keeni karta xeerar u baahnaa in la meel mariyo.
Baarlamaanka ayaa dhawaan dhawaan ansixiyay xeerarka dhisidda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, inkasta oo uu la kulmay diidmo xooggan oo ka timid qayb ka mid ah siyaasiyiinta iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.






