Qaahira — Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al-Yamaahi, ayaa soo dhaweeyay qabsoomidda doorashada tooska ah ee golayaasha degmooyinka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo hay’adaha dowladeed, lagu xoojinayo dimuqraadiyadda iyo muwaadinnimada, isla markaana lagu ballaarinayo ka-qaybgalka shacabka.
Bayaan lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Baarlamaanka Carabta, Al-Yamaahi wuxuu ku sheegay in doorashadan ay tahay tii ugu horreysay ee noocan ah tan iyo sanadkii 1969, isla markaana ay ka tarjumayso horumar siyaasadeed oo muujinaya jidka ay Soomaaliya u marayso adkaynta maamul-wanaagga iyo in muwaadiniinta ka qeybqaataan arrimaha guud.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa xusay in doorashadu la filayo inay yeelato saameyn togan oo gudaha ah, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.







