Muqdisho, Soomaaliya – Xidhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha, kaasi oo ku dhawaad labo sano horyaallay Golaha Baarlamaanka.
Guddiga Xuquuqul Insaan, Haweenka, iyo Arrimaha Bini’aadanimada ee Golaha Shacabka ayaa nuqulka ugu dambeeya ee sharcigan akhriyay ka hor ansixintiisa, waxayna ka codsadeen Golaha in Hindise Sharciyeedkan loo ansixiyo maadaama uu golaha horyaallo in ka badan 21 bilood.
Sharcigan, oo diiradda saaraya xuquuqda iyo ilaalinta dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Soomaaliya, ayaa helay taageero ballaaran, iyadoo 136 xildhibaan ay oggolaadeen, halka 4 xubnood ay diideen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shaaciyey ansixinta sharcigan isagoo u mahadceliyey xubnaha Baarlamaanka ee taageeray.
“Kulanka guud wuxuu joogay 140 xildhibaan. Wax ka aamusay ma jiraan, 4 xildhibaan ayaa diiday, 136 waa oggolaadeen, sidaa darteed xeerka waa ansax,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.





