Muqdisho (Dawan)- Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya aaya maanta si wada jir ah u ansixiyay miisaaniyada dowladda ee sannadka 2024, taas oo gaareysa $1.08 billion
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyada sannadka 2024-ka iyada oo ay oggolaadeen 186 xildhibaan, halka ay diideen kaliya 3 xildhibaan mana jirin wax ka aamusay.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyay meel-marinta miisaaniyadda, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay miisaaniyaddan u leedahay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maraya.
" Waxa ay kusoo beegmeysa ansixinta miisaaniyadani, xilli dalku uu gelayo marxalad cusub oo kala guur dhaqaaale aan geleyno. Marxalad aan ka gudbeyno, marxalad cusubna u gudbeyno. Waxa aan rajeyneynaa in ay noqoto ansixinta aan maanta sameynay tii ugu dambeysay ee iba furka u noqoneysay guul qaran oo ah geedi toban sano soo socday" ayuu yiri, wasiir Biixi.




