Muqdisho (Dawan) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri yeelanaya kulan degdeg ah oo looga hadlayo go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad ka jeedin doono.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa diiradda saari doonta saameynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee arrintan ku leedahay dalka, iyo sida loo ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.








