Muqdisho (Dawan) – Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11aad uu xirmi doono 22-ka Juun 2025, waxaana dib loo furi doonaa 22-ka Agoosto 2025.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid waafaqsan waajibaadka Dastuuriga ee Baarlamaanka.
Sida uu qeexayo Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka labada gole, waxay leeyihiin laba kalfadhi oo caadi ah sanadkiiba, iyadoo kalfadhigu uu soconayo ugu yaraan afar bilood.





