Muqdisho (Dawan Africa) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weli xiran inkastoo fasaxiisii rasmiga ahaa uu dhammaaday in ka badan laba toddobaad ka hor, arrintan ayaana dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta hakadka dheeriga ah.
War-saxaafadeed ay bishii Juun soo saareen Guddoonka Labada Aqal ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad la xirayo 22-kii Juun, lana dib u furayo 22-ka Agoosto 2025. Hase yeeshee, muddo 15 maalmood dheeraad ah ayaa ka soo wareegtay tan iyo waqtigaas, iyadoo kulamadii caadiga ahaa aan weli dib loo bilaabin.





