Manama (Dawan)- Caasimadda Manama ee dalka Bahrain, waxaa maanta ka furmaya meertada 33-aad ee shir-madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta, waxaana Soomaaliya uga qayb galaya wafdi balllaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Xamsa ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladihii ugu dambeyay ee Soomaaliya, iyada oo la eegayo guulihii laga gaaray dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha labadii sano ee lasoo dhaafay iyo caqabadaha ku horgudban dowladda Soomaaliya.
Sida ay Dawan ogaatay, Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona xasaraddii ka dhalaty heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland billaawgii sannadkaan.
Sidoo kale, Xamsa waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dowladaha kale, isaga oo kala hadlaya dhinacyada la iska kaashan karo.







