Muqdisho (Dawan)- Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa caddeeyay inaysan jirin ciidamo Masaari ah oo hadda ku sugan Soomaaliya, iyada oo maalmihi lasoo dhaafay la isla dhexmarayay inay Muqdisho soo gaareen ciidamo ka socda Masar.
Cali Balcad ayaa yiri, xilli uu wareysi siinayay TV-ga Aljazeera ee laga leeyahy Qatar; " Ilaa iyo hadda ma jiraan ciidamo ka tirsan milateriga Masar oo jooga Soomaaliya"
Wasiirka ayaa dhanka kale qiray inay Soomaali ka heshay Masar saanad ciidan iyo hub kala duwan iyada oo hubkaas ay dowladdu u adeegsan doonto dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab " Waxaan Masar ka helnay hub, waxaana u isticmaaleynaa hadda in aan dalkeena uga difaacno ururada argagixisada".
Mar la waydiiyay inuu ka walwal qabo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dowladaha Masar iyo Itoobiya ee uu ka dhaxeeyo khilaafka wabiga Nile, ayuu sheegay inaysan Soomaaliya noqon doonin garab loo adeegsado in lagula dagaalo dal kale laakin ay eeganayso oo kaliya danaheeda ku dhisan ilaalinta qaranimadeeda iyo xudduudaheeda " Suurtagal ma ahan in khilaafka Masar iyo Itoobiya loosoo raro Soomaaliya"
Cali Bacad waxa uu tilmaamay kaalintii ay Masar ka qaadatay dagaaladdii ay Soomaaliya la gashay gaar ahaan dagaalkii 1977, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii ay timaado baahi la mid ah tii xilligaas inay ciidamada Masar ka sugayaan taageero " Waxay naga caawisay (Masar) dagaalkii aan la galnay Itoobiya ee 1977-kii, haddii ay dantu keentana waxaan u baahanahay taageerada ciidanka Masar"



