Muqdisho (Dawan)- Midowga Bangiyada iyo Shirkadaha Isgaarsinta oo qoraal wadajir ah soo saaray maanta ayaa sheegay in aysan jirin cid ay kula shirkoobeen (Dowladda Soomaaliya) ama ay faa'iido-wadaag kula noqdeen, ama ay hadda kula yihiin canshuuraha laga qaado ama horay looga qaaday shakhsi ama ganacsi.
Arrinkaan ayaa imaanaya kadib warar ay ganacsatada gobolka Banaadir isla dhex marayeen todobaadyadii la soo dhaafay oo sheegayay in qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiintu dowladda kala hadleen in qoondo laga siiyo lacagaha canshuuraha ah ee ay ganacsatada ka soo xareeyaan maadaama lagu tiirsan yahay qalabkooda iyo nidaamkooda tiknoolojiyadda.
“Bangiyada iyo Shirkadaha Isgaarsinta Soomaaliyeed waxa ay caddeynayaan in aanay jirin cid ay kula shirkoobeen ama ay faa'iido-wadaag kula noqdeen, ama ay hadda kula yihiin canshuuraha laga qaado ama horay looga qaaday shakhsi ama ganacsi”. Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.



