Mandheera (Dawan)- Abaarta sii xoogeysanaysa ee ka jirta magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa halis gelinaysa nolosha xoolo-dhaqatada guuraaga ah, iyadoo qoysas badan ay ku qasbanaadeen inay ka barakacaan deegaannadoodii, si ay u raadsadaan biyo iyo daaq ay xoolahoodu ku noolaadaan.
Xoolo-dhaqato ku kala noolaada deegaanada kala duwan ee Mandheera ah ayaa u hayaamay deegaano iyo gobollo daris la ah, kaddib markii ay gureen ilihii biyaha iyo dhulkii daaqa. Degmooyinka Galbeedka Mandheera iyo Banisa, qaar ka mid ah xoolo-dhaqatada ayaa gaaray deegaanka Bute ee Waqooyiga Wajeer, halka kuwo kale oo ka tegay Koonfurta Mandheera iyo Lafey ay u tallaabeen qaybo ka mid ah Gobolka Tana River.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ka digaya in barakacaas uu dhalin karo khilaafaad la xiriira kheyraadka xaddidan ee deegaannada ay gaareen barakacayashu, gaar ahaan haddii xoolo-dhaqatada qaarkood ay caga-jiidaan inay dib ugu laabtaan deegaanadooda marka xaaladdu is beddesho.








