Shabeelada Dhexe.
Dagaallo xooggan oo u dhexeeya dagaallamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), oo ay taageerayaan macawiisleyda deegaanka iyo duqeymaha cirka ee caalamiga ah, ayaa sababay barakaca ku dhawaad 15,216 qof, ama 2,536 qoys, sida ay warbixin ku sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR).
Dadka barakacay ayaa u qaxay magaalooyin iyo tuulooyin ay ka mid yihiin Gordhhere, Masajid Cali Gaduud, iyo Cadale, kadib markii ay dagaalladu ka qarxeen deegaannadooda. UNHCR ayaa xustay in barakacayaashan ay horey u wajahayeen abaaro, taas oo uga sii dartay xaaladooda nololeed.
UNHCR waxay sheegtay in isku-dhafka dagaallada iyo abaarta daran ay si weyn u xaddideen gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, gaar ahaan deegaannada Biyo Cade iyo Ceel Baraf, oo la sheegay in ay gacanta ugu jiraan Al-Shabaab iyo kooxo kale oo hubeysan oo aan dawli ahayn.
Warbixinta ayaa muujisay in xaaladaha adag ee ka jira goobaha barakacu ka jiro ay sii kordhinayaan khataraha gaarka ah ee soo food saara qeybaha nugul ee bulshada, sida:
Dhibaatooyinka ay wajahayaan barakacayaasha waxaa ka mid ah go’doomin, miinooyinka iyo walxaha qarxa, xadgudubka ku saleysan jinsiga, iyo weerarrada ka dhanka ah rayidka.





