Bardaale, Soomaaliya – Ciidamada ammaanka degmada Bardaale ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Kooney lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.
Telefishinka ku hadla afka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la dilay Macalin Qadiid, oo ahaa horjooge ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan madaxda qeybta xoolaha ay kooxdaas ka qaaddo shacabka ku nool deegaannada hoos yimaada degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Taliyaha ciidamada Daraawiishta degmada Bardaale, Xasan Kheyre, oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalka. Wuxuu sheegay in ciidamada Booliska gaarka ah ee Bardaale iyo kuwa Nabadsugidda maamulka Koonfur Galbeed ay iska kaashadeen howlgalkaas, ayna ku dileen Qadiid



