Baydhabo (Dawan) - Shirka Qaran ee Gargaarka Bani’aadannimo ee 2025 (CHF) ayaa si rasmi ah uga furmay maanta magaalada Baydhabo, iyadoo ay isugu yimaadeen daneeyayaal gudaha iyo caalami ah si ay uga wada hadlaan baahiyaha gargaarka ee ugu daran ee ka jira Soomaaliya, loogana shaqeeyo hannaan isku-dhafan oo ay Soomaalidu hormuud u tahay.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Cali Siciid Fiqi, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Ku-meel-gaar ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaasoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo maalgelinta adkeysiga gudaha halkii laga sii wadi lahaa ku tiirsanaanta gargaar dibadeed.
“Soomaaliya waa inay ka gudubtaa ku tiirsanaanta gargaarka shisheeye. Maalgelinta adkeysiga bulshada — oo ay ku jiraan nabad-dhisidda iyo wax-soo-saarka — waa tiirka horumarka qaranka,” ayuu yiri Fiqi.
Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), iyadoo kaashanaysa maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin heer federaal iyo heer maamul-goboleed, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, hay’ado maxalli ah iyo caalami ah, ururrada bulshada rayidka, diblomaasiyiin iyo ganacsato.
Shirka oo lagu qabtay hal-ku-dhegga:“Xoojinta Gargaarka Maxalli ah, Ka-qaybgalka Bulshada, iyo Adkeysiga iyadoo loo Marayo Jawaab Isku-dhafan oo Waarta”,kaas oo ujeedadiisu tahay in la horumariyo isku-dubaridka gurmadka ay Soomaalidu hoggaanka u hayaan, lagu kordhiyo isla xisaabtanka maaliyadeed, isla markaana gargaarka degdegga ah lagu xiro qorshayaasha horumarineed ee fog.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa furitaanka ka jeediyay khudbad uu ku sharraxay baaxadda xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, isagoo tusaale u soo qaatay abaarta ka jirta gobolka Awdal oo saameysay in ka badan 600,000 qof, iyo barakaca ka dhashay colaadaha Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Gedo.
“Dowladdu waxay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin ballanqaad lacageed oo gaaraya $500,000 iyo deeq kale oo $200,000 ah oo ka timid Maamulka Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Macallim.“Laakiin taasi ma filna — waxa loo baahan yahay in ganacsatada, jaaliyadaha dibadda iyo bulshada maxalliga ah ay si xooggan uga qayb qaataan.”ayuu ku daray
Wuxuu sidoo kale adkeeyay in la sameeyo dib-u-habeyn lagu sameeyo sida gargaarka loo maamulo, isagoo ku baaqay in la xoojiyo lahaanshaha maxalliga ah, qorsheynta ay bulshadu ku lug leedahay, iyo in Soomaalidu ay hoggaan u noqdaan jawaabahooda bani’aadannimo.



