Jig-jiga (Dawan)- Shirkadda Abuurka Xulka Beeraha oo kaashanaysa Xafiiska Beeraha dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa 11 kun oo kiintal oo abuurka xulka beeraha u kala dirtay degmooyinka Deegaanka ee helay roobabka Dayrta.
Abuurka tayaysan ee la gaarsiinayo degmooyinka leh wabiyada iyo kuwa uu ka da'ay roobka Dayrta ayaa isugu jira dalagyada kala ah Gallayda, Hadhuudhka, Sisinta, Shunburada iyo Digirta.
Maareeyaha Shirkada Abuurka Xulka Beeraha dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdullaahi Muxumed Faarax ayaa sheegay in abuurka tayaysan ay ka faa'iidaysanayaan 83 degmo oo isugu jira kuwa roobka Dayrta hela iyo kuwa wax ku beerta waraabka.



