New York (Dawan)- Dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qorshaha horumarinta laamaha amniga ee Dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigay shirka Amniga Soomaaliya ee Talaadadii (shalay) ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen dowladaha sida gaarka ah u caawiya Soomaaliya ayay ku celiyeen ballan qaadkoodka ku saabsan in Soomaaliya laga taageero weerarrada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, dadaallada xasilinta, iyo horumarinta dowlad wanaagga iyo dib u heshiisiinta siyaasadeed.
“Ujeedkeena fog waa in aan dowladda Federaaka taageerno si ay wiiqdo ugu dambeyna uga adkaato kooxda Al-shabaab, anaga oo kordhineynaa cadaadiska iyo istiraatiijiyada ka hortagga argagixisada" ayaa lagu yiri, qraalka kaoo baxay Beesha Caalamka.
Dalalka saaxibka la ah Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin in dowladda laga taageero qorshaha ay kula wareegeyso mas'uuliyadda amniga, waxeyna qireen guulaha ay gaareen Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo kaashanaya Macaawisley iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Africa ee ATMIS.
“Waxaan soo dhaweyneynaa Qorshaha Horumarinta Amniga ee lagu soo bandhigay shirkaan, kaas oo ay ka mid yihiin in la dhiso Ciidamo iyo Hay’ado Soomaaliyeed oo tayo leh, isla markaana lala xisaabtami karo". ayaa lagu yiri bayaanka Dowladaha Caalamka.





