Muqdisho (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu bogaadiyay dadaaallada Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuquda aadanaha oo ay ku jirto xuquuqda carruurta.
War-saxfaadeedka ayaa intaas ku daray in Beesha Caalamku ay rajo weyn ka leedahay sii xoojinta taageerada mustaqbalka ah ee Soomaaliya si ay kaalin ugu yeelato fagaaraha caalamiga ah.
Beesha caalamku waxa ay soo hadal qaaday Khilaafka xoogan ee ka taagan wax ka bedelka iyo ansixinta lagu sameeyay cutubyada ugu horeeya Dastuurka, waxeyna bogaadisay tilaabada ku talagalka ah ee ay qaaday Soomaaliya si horumar looga gaaro dhameystirka Dastuurka.



