Berbera (Dawan)- Magaalo xeebeedka Berbera waxaa shalay ka furmay koobka Horyaalka Horyaalada Somaliland, kaas oo sanadkiisii saddexaad ka qabsoomaya Somaliland. Magaalada Berbera ayaana sanadkeedii labaad martigelinaysa tartanka Horyaalka Horyaalada Somaliland iyada uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo daahfuray koobka.
Horyaalka Horyaalada Somaliland waxaa lagu iba furay labada kooxood oo ku kala ciyaarayay magacyada Dowladda Hoose ee Gabiley iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, ciyaartaas oo ku soo idlaatay barbardhac goolal la’aan ah."Farxad weyn iyo sharaf ayay ii tahay inaan maanta halkaan ku daahfuro ciyaarihii Horyaalka Horyaalada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay runtii ku tartamayaan 22 kooxood oo kasoo baxay Gobollada kala duwan" ayuu yiri, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland





