Washington (Dawan)- Labada musharrax ee u tartamaya doorashada madaxtinimada Mareykanka, Joe Biden iyo Donald Trump, ayaa ku guuleystay tiro ku filan codadka ergada Talaadadii, si ay u xaqiijiyaan magacaabista xisbiyadooda Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga.
Madaxweynaha hadda haya talada Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynihii ka horreeyay Donald Trump ayaa isku arki doona markii labaad oo isku xigta doorashada madaxtinimo ee Mareykanka.
Natiijooyinka doorashooyinka hordhaca ah ee labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ee gobolada Georgia, Mississippi, iyo Washington ayaa la filaayay in ay labadoodu ku guuleystaan ka dib markii ay ku guuleysteen dhammaan tartamadii doorashada ee xisbiyadooda.
Biden wuxuu u baahnaa codadka 1,968 ergo si uu ugu guuleysto magacaabista Xisbigiisa, basle waxa uu helay tira intaas ka badan fiidnimadii Talaadada.
Biden ayaa soo saaray bayaan ka dib markii uu ku guuleystay magacaabista xisbiga Dimoqraadiga, isaga oo weerar afka ah ku qaaday siyaasadda Trump ee ku dhisan xanaaqa iyo aargoosiga khatarta ku ah jiritaaanka Mareykanka, sida uu Biden sheegay.
Waxa uu intaa ku daray: “Codbixiyayaashu hadda waxay haystaan inay go'aan ka garaan mustaqbalka dalkan. Ma difaaci doonaan dimoqraadiyaddayada mise waxey u ogolaan doonnaan kuwa kale inay wiiqaan? ma soo ceshan doonnaa xaqa aan u leenahay inaan wax doorano oo aynu ilaalinayno xorriyaddeena mise waxaynu u ogolaan doonaa kuwa xagjirka ah inay naga qaataan?



