Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuusan ogayn xilliga is-afgardkii uu la galay Itoobiya loo bedeli doono heshiis dhamaystiran balse uu kalsooni ku qabo in labada dhinac ay wada saxiixi doonaan heshiiska.
"Ma aqaano waqtiga dhabta ah, laakiin labada dal waxay diyaar u yihiin inay qalinka ku duugaan heshiiska" sidaas waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga Al-Carabiya.
Biixi waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsanyaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo.



