Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada Sare iyo Siddeedaad ee dugsiyada Hoose Dhexe oo maanta si rasmi ah u bilaawday.
Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada Sare iyo kuwa Hoose/dhexe waxa guud ahaan sannadkan u fadhiistay 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 Arday oo dugsiyada Sare ah iyo 22947 Arday oo dugsiyada Hoose/Dhexe ah, waxana lagu gelayaa 129-goobood oo ku kala yaal deegaanada Somaliland.

Muuse Biixi ayaa imtixaanaadka ka daah-furay dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee Hargeysa isaga oo ardayda u qaybiyey nuqullada imtixaanku ka kooban yahay, wuxuuna tilmaamay in imtixaanku yahay jaranjaro nololeed oo badiba dadku soo maraan.





