Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray ku sameeyay xil ka qaadis, magacaabid iyo bedel qaar ka mida mas'uuliyiinta golihiisa wasiirada.
Mas'uuliyiinta xilka laga qaaday ayaa kala ah Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble, Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Cabdi-naasir Cumar Jaamac, Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu yiri, " Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah".





