Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo wareysi siiyey Telefeshinka Somaliland ayaa ku eedeeyay Xisbiyada Mucaarada ah in ay carqalad ku yihiin doorashooyinka, isaga oo sidoo kale ballan qaaday inuu xilka wareeji doono haddii looga guuleysto tartanka Madaxtinimo.
"Labada Xisbi ee iminka wada intaa oo rabshada ah sow maan tartamin 2017? sow lagama adkaan, maantana waxaan qabaa waa kuwii aan isnaqaanay iyo anaga oo tartameyna. Anigna tartan diyaar baan u ahay, haddii layga helana si xarako leh ayaan u wareejinaya" ayuu yiri, Muuse Biixi.
Muuse ayaa sheegay in buuqa ay sameeyeen Xisbiyada Mucaaradku ay ka dhalatay khasaaro iyo in mar kale ay seddexdii Xisbi ee tartamay sanandkii 2017 ay kusoo laabtaan tartanka doorashooyinka.
Biixi oo ka jawaabayay mar la weydiiyay faa'iidada ugu jirta heshiiska Badda ee uu la galay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa yiri, " Sidaad ogtahay Madaxweyne kasta danta dalkiisa ayuun buu u adeegaa. Itoobiya waa dal aan bad lahayn, dadka ugu tirada badanna ay ku noolyihiin Geeska Afrika, dhaqaalihiisu aad u koraayo sidaas darteed aynu ognahay in ay muddo ku taameysay in ay hesho Deked, Somaliland muddo dhowr iyo soddon sano ah waxa aynu raadinayanaa ictirfaaf .. taas ayay ku fadhidaa heshiiska is-fahanka ah"
Muuse ayaa sheegay in is weydaarsiga ictirfaaka iyo siinta saldhigu ay halmar wada dhici doonaan, sida lagu heshiiyay sidaasna ay Itoobiya ku noqon doonto Dowladdii ugu horeysay ee aqoonsata madax bannaanida Somaliland
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan wax shaqo ah ku lahaa karin Dowladda ay heshiis la geliyaan iyo cidda ay la macaamilyaan, isaga oo sheegay in ay kala yihiin Labada Dowladood oo beri ahaan jiray hal Dowlad laakin kala go'ay muddo soddon sano ka hor intaasna ay Somaliland la macaamili jirtay dunida.



