Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeyay Turkiga inuu faragelin ku sameeyay qaranimada Somaliland, xilli uu maanta dadweynaha kula hadlayay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.
Biixi ayaa ku tilmaamay qorshaha uu Turkigu damacsanyaahay inuu ku heshiisiiyo Somaaliya iyo Itoobiya mid aan suurtagal ahayn oo ay kasoo horjeedaan madaxda iyo shacabka Somaliland.
"Somaliland baa Xamar looga talinaya, waa qorraxdii oo galbeed kasoo baxday, mana suurtoobeyso:" ayuu yiri, Madaxweyne Muuse.
Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanya laba maalin kadib markii Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan uu soo bandhigay qorshaha lagu soo afjarayo xiisadda labada dal kaas oo ah in Itoobiya ay hesho marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, halka Itoobiya ay beddelkeeda si aan shaki lahayn u qaddarin doonto midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.





