Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed isku magacaawday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u qirtay guuldarrada xisbigiisa Kulmiye kasoo gaartay doorashooyinkii madaxtooyada, waxa uuna hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Biixi oo markii ugu horeysay ka hadlayay natiijada doorashada ee kasoo baxday Kumiishanka doorashooyinka ayaa si cad u sheegay inuu aqbalay guusha xisbiga Waddani, isagoo ku tilmaamay mid sharci ah oo qayb ka ah dimoqraadiyadda Somaliland. "Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanu aqbalnay natiijadii doorashada oo uu ku guulaystay xisbiga Waddani . Sharciga, sharafteena iyo qaran-dhiskeenuba sidaas ayey ku jirtaa," ayuu yiri Biixi.
Waxa uu u mahadceliyay guddiga doorashooyinka, axsaabtii tartamaysey, ciidamadii amniga sugayay iyo dhammaan shacabka Somaliland ee sida nabadda leh u dhiibtay codkooda.
Biixi waxa uu ugu baaqay taageerayaasha xisbigiisa Kulmiye inay u hoggaansamaan natiijada, halka uu shacabka guudna ku dhiirrigeliyay inay si buuxda ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, si Somaliland loo horumariyo .
“Maanta ma aha maalin khilaaf iyo muran, waa maalin aynu wada guulaysanay, oo aynu qarankeenna u dhisnay jid cusub oo horumar leh,” ayuu hadalkiisa raaciyay Biixi.





