Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto kasoo saaray wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka kufsiga oo ay Golaha wasiirradu fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, ku go’aamiyeen in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaarista arrimaha kufsiga.
Wareegtada ayaa lagu yiri; Madaxweynuhu waxa uu go'aamiyay, in fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo Maxkamadaha awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku in ay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, waxaana ka reeban in lagu xaliyo nidaam aan ahayn nidaamka garsoorka



