Hargeysa (Dawan)- Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka Maalmaha Mucayinka ah ee Doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Somaliland ee la filaayo in la qabto 13 November 2024.
Jadwalka ayaa lagu caddeeyay in 12-ka bisha August la qaban doono liiska xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee doonaya inay tartanka doorashada ka qayb galaan, iyada oo bisha xigta 12-keeda ay Xisbiydu soo gudbin doona masharraxiintooda u taagan xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Billowga bisha October waxaa loo asteeyay in la gudaha galo ololaha doorashada, waxaana lasoo afjari doona 10-ka bisha November.
Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, sida lagu muujiyay jadwalka
Isla bishaas 20-keeda ayaa la mudeeyay in lasoo saari doono natiijada kumeel gaarka ee doorashada madaxtooayda iyo xisbiyada, waxaana maalinta ku xigta loo gudbin doona Maxkamadda Sare.
Horaantii bishii March ayay ahayd, markii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu saxiixay wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasadda.






