Qaahira (Dawan )- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta booqasho ku tegay Qaahira, iyada uu dhiggiisa Masar, Cabdifataax Al-Siisi u sameeyay soo dhaweeyn aad uu sarreysa.
Labada Madaxweyne ayaa wada hadal ku yeeshay Qasriga Itixaadiya, waxeyna isla lafa gureen xiriirka labada dal, xaaladda ka taagan Bariga Dhaxe iyo arrima kale oo la xiriira caalamaka.
Erdoğan: Waxaan iska kaashaneynaa Masar joojinta dhiigga ku daadanaya Gaza
Wada hadallada kadib ayay Erdoğan iyo Al-Siisi wada qabteen shir jaraa'id, iyada uu Madaxweynaha Turkigu sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono garab istaagga dadaaladda Masar ee lagu doonayo in xabbad joojin looga hirgeliyo Marinka Gaza.
Erdoğan ayaa yiri, "Muhiimaddeennu waa in aan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaaro xabbad-joojin, sidoo kalena gargaar bini'aadannimona aan gaarsiinno Gaza, iyada oo aan la carqaladeynin"
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku tilmaamay isku dayga lagu doonayo in dadka deggan Gaza looga barakiciyo dhulkooda ay tahay mid aan la aqbali karin.
Marka la eego xiriirka laba dal, , Erdoğan wuxuu carrabka ku adkeeyay go'aanka waddankiisa ee ah inuu xoojiyo xiriirka Masar, si nabad iyo xasillooni loogu soo dabaalo Gobolka.
Erdoğan ayaa dhiggiisa Masar ku casuumay inuu soo booqdo Turkiga, isagoo xusay in booqashadan ay noqon doonto tallaabo loo qaaday isbeddel cusub oo ku yimid xiriirka labada dal.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Waxaan ku heshiinay maanta in aan kor u qaadno heerka ganacsiga oo la gaarsiiyo $15 bilyan muddo gaaban gudaheed."
Al-Siisi: Bog cusub ayaa u furmay xiriirka Masar iyo Turkiga
Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa dhankiisa sheegay in bog cusub u furmay iskaashiga iyo xiriirka labada Dowladood, isaga oo caddeeyay in ay kordhin doonaan isweeydaarsiga ganacsiga ee labada dal.




