Muqdisho (Dawan)- Boliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen afar qif oo lagu eedeyay in ay ka dambeeyeen dil loo geystay askari ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Boliiska ayaa lagu yiri, " Maantay oo Taariikhdu tahay 28/02/2024 Abaare 16:15 daqiiqo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Saldhigga Boliiska Deegaanka Garasbaaley, waxey gacanta kusoo dhigeen shabakad ka kooban 4 dhallinyaro ah kuwaas oo dilay Marxuum: Xasan C/Qaadir Ibraahim kana tirsanaay CXDS".
Boliisku waxa ay intaas raaciyeen in dilka kadib ay billlaabeen baaritaano iyo howlgal lagu baadi goobayo shakhsiyaddii dila askariga, iyada oo ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigay kooxdaan oo watay Mooto iyo laba Bastoolad.



