Muqdisho (Dawan)- Boliiska Soomaaliya ayaa sheegay in uu gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu dil ka geystay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadibna usoo baxsaday Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Guud Boliiska Gobalka Banaadir, ayaa lagu yiri " Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi"
Qoraalka ayaa intaas raaciyay in eedeysanuhu ku dilay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Marxuum Maxamed Xasan, iyada oo la hor geyn doono Hay'adaha ku shaqada leh.
Boliisku ma sheegen xilliga uu dilka geystay iyo goobta ay hadda kasoo qabteen.





