Jabuuti, 5 Maarso 2026 (Dawan)– Ciidanka Booliska Qaranka Jabuuti ayaa fuliyay 39 hawlgal oo lagula dagaallamayo dambiyada, ka dib markii laga helay warbixino dadweynaha, sida lagu sheegay bayaan uu Boliisku soo saaray maalintii Arbacada.
Hawlgalladan ayaa la bilaabay ka dib helitaanka 39 digniinood oo laga soo diray barta WhatsApp ee loogu talagalay wada-shaqaynta. Boolisku waxay sheegeen in iskaashiga muwaadiniintu uu door muhiim ah ka ciyaaray guulaha laga gaaray hawlgalladaas.







