Muqdisho, 5 Maarso 2026 (Dawan)– Saddex siyaasi oo horey uga dalka uga soo qabtay xilal muhiim ah kana mid ah garabkii mucraadka ee heshiiska la galay dowladda ayaa Arbacadii soo dhoweeyay ansixinta dhameystirka wax-ka-beddelka Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee dalka, iyaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid horumar u ah xoojinta dimuqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah uga soo saareen Muqdisho ayaa waxaa ku hambalyeeyay hogaamiyeyaasha kala ah: Shariif Xasan Sheekh Axmed, oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya; Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Ra’iisul Wasaarihii hore; iyo Daahir Maxamuud Geelle oo horay usoo noqday Wasiirka Warfaafinta. Waxa ay bogaadiyeen Baarlamaanka Federaalka iyo hay’adaha kale ee dowladda federaalka ah, kuwaas oo ansixiyay dhammeystirka wax-ka-beddelka dastuurka.
Sida lagu sheegay bayaan-ka, tallaabadan waxay muujinaysaa bisayl siyaasadeed iyo ixtiraam lagu qabo heshiisyadii qaran, waxayna kor u qaadaysaa nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan wadatashi iyo isla xisaabtan. Waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya uu sii ahaan doono mid baarlamaan, iyadoo Madaxweynaha ay dooraan doonaan labada gole ee Baarlamaanka, halka ay lama huraan tahay in Ra’iisul Wasaaruhu helo kalsoonida Baarlamaanka.







