Hargeysa (Dawan)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo lagu eedeyay in ay ka dambeeyeen fal dil ah oo 14-kii November 2023 ka dhacay xaafadda Masalaha ee magaalada Hargeysa laguna dilay Marxuum Xasan Dacar oo 46 jir ahaa.
Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Xamsa Cabdi Saleebaan (23 jir) iyo Ayaanle Muxamed Xaashi (22 jir) ayaa la soo qabtay kadib baaritaano ay sameeyaan laamaha kala duwan ee amniga qaabilsan, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.
Taliska Booliska ayaa intaas raaciyay in ragga lasoo qabaty ay dileen Marxuumka kadibna ay qaateen taleefoonkiisa gacanta.





