Soomaaliya, 04 November 2025 – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo bandhigay tirakoob sanadle ah oo muujinaya in intii u dhexeysay November 2024 ilaa November 2025 loo soo gudbiyay 25,073 kiis oo dambi ah, sida uu shaaciyay Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka, Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud shalay ka dib xafladii sanad-guurada 32-aad ee aas-aaska booliska Somaliland oo ka dhacday xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.
Munaasabadaan lagu soo bandhigay waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).
Tirakoobka uu diiwaan galiyay booliska mudada sanadka ah ee November 2024 ilaa November ee 2025 ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in booliska loo soo gudbiyay 25,073 kiis oo 4,852 ka mid ah wax cadeen ah lagu waayay, halka 9,129 ka mid ah lagu dhameeyay heshiis gogol oo ay Soomaalida caan ku tahay, iyada 11,092 kale loo gudbiyay maxkamada.







