Soomaaliya, 4 November 2025 – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo qabteen eedeysane loo heysto in uu ka shaqeynayay Ilmo-Iska Soo Ridid.
Booliska ayaa shaaciyay xiritaanka eedeysanaha iyo xarun lagu eedeyay in haweenka loogu sameyn jiray ilmo-iska soo ridid, taas oo sharci dara ah sida uu sheegay afhayeenka Booliska Soomaaliya oo guriga kula hadlay warbaahinta.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa la yaabay habka cajiibka ah ee xayeesiimanka ay sameysteen ee waxa caadiga ah ka dhigayo in ilmaha leyska soo rido.






