Laacaanood (Dawan) - Taliska Ciidanka Booliska ee Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen 23 eedeysane oo loo haysto fal kufsi wadareed ah iyo jirdil adag oo habeenkii Sabtida, 14-kii Juun 2025, loogu geystay laba gabdhood oo dhalinyaro ah magaalada Laascaanood.
War-saxaafadeed ay soo saareen boolisku waxay ku sheegeen in falka foosha xun uu dhacay abaare 10:30 fiidnimo, isla markaana ay durba bilaabeen baaritaan ballaaran oo horseeday in inta badan eedeysaneyaasha la soo qabto 48 saac gudahood. Hal eedeysane wali waa baxsad, waxaana socda hawlgal lagu raadjoogayo.
Boolisku waxay horay u soo bandhigeen sawirrada qaar ka mid ah eedeysaneyaasha, iyagoo ballan qaaday in saacadaha soo socda la shaacin doono magacyada iyo sawirrada dhammaan eedeysaneyaasha.
Afhayeenka Booliska SSC-Khaatumo, Liibaan Barre Ducaale, ayaa sheegay in laamaha amniga ay u taagan yihiin difaaca xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana eedeysaneyaasha ay mari doonaan cadaalad adag.







