Wajeer (Dawan)- Ciidamda Booliska ee Ismaamul Wajeer ayaa gacanta kusoo dhiagy subaxnimadii maanta oo Jimca ah, ajaanib si sharci darro ah ugu socotay maagalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Booliska aaya sheegay in ajaanibtaan oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 63 qofood in ay kasoo jeedaan dalka Eretria, waxaana laga soo qabtay deegaanka lagu magacaabo Leheley.
Laamaha dembi baarista ayaa ku billaabay dadkaan lasoo qabtay baaritaano kala duwan, inkasta oo aan ilaa iyo hadda laga soo saarin warbixin dhameystiran.
Maxkamadda Wajeer ayaa dhegeysiga dacwadooda u mudeysy 8-da bishaan December, waxeyna kusii jiri doonaan Saldhigga Booliska Wajeer.



