Soomaaliya, 25 Sebtember 2025 – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa israsaaseyntii Arbadii ka dhacday saldhigga booliska degmada Warta Nabadda ku tilmaamay weerar sababay baxsiga maxaabiis loo haystay dambiyo culus, dhaawacyo soo gaaray askar iyo burbur hantiyadeed.
War-saxaafadeed habeenkii Arbacada kasoo baxay taliska booliska ayaa lagu sheegay in dhacdadaasi ahayd weerar ay fuliyeen “maleeshiyaad hubeysan oo ay wehliyeen siyaasiin hore,” balse ma aysan sheegin tirada maxaabiista baxsatay iyo khasaaraha kale ee dhacay.
“Weerarku wuxuu sababay in ay baxsadaan maxaabiis dambiyo culus u xirnaa, dhaawac loo geystay askar waardiyeynaysay saldhigga iyo burbur hantiyadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka booliska.
Booliska ayaa tacsi u diray qoysaska ay saameeyeen dhacdada, hase yeeshee ma aysan faahfaahin tirada dadka dhintay ee ay tacsida u jeediyeen. Sidoo kale waxay uga digeen siyaasiinta inay gudaha caasimadda ku dhex isticmaalaan gaadiid dagaal iyo ciidan hubeysan, iyagoo sheegay in hay’adaha amniga ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid kasta oo jebisa amarkaasi. Waxay intaas ku dareen inay wadaan baaritaanno, isla markaana natiijada ay u gudbin doonaan hay’adaha awoodda u leh cid kasta oo ku lug yeelata dhacdada.





