Boosaaso (Dawan) – Boosaaso ayaa isku diyaarineysa doorashada guddoomiye cusub kaddib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka iyo duqa magaalada, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle). Doorashadu waxay dhacaysaa 9-ka bishaan.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Boosaaso, Bashiir Faarax Siciid, ayaa shaaciyay magacaabista guddiga qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha cusub. Wuxuu sheegay in magacaabista guddiga ay ka dambeysay markii xubnaha golaha deegaanka ay u glaadeen sida uu Dastuurka Puntland qabo.
“Caawa waxaan ku dhawaaqayaa magacaabista guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo duqa Boosaaso oo doorashadiisa la qaban doono 9-ka bishaan,” ayuu yiri Bashiir Faarax Siciid.





